Dhageysi dadweyne oo ku saabsan Hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha oo lagu qabtay Xarunta Golaha Aqalka Sare

 

Muqdisho, May 3, 2018,   Guddiga Kheyraadka iyo Biyaha ee Golaha Aqalka Sare ayaa xarunta Golaha Aqalka Sare ku qabtay dhageysi dadweyne oo ku saabsan Hindise sharciyeedka kheyradka biyaha kaasi oo ay horrey u ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga kheyraadka ,kaabayasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare ,waxaana kasoo qeyb galay xubno ka socday dowlad Gobleedyadda dalka ,Ururada bulshada rayidka,shirkadaha biyaha iyo sharciyo yaqaanno dhanka Kheyraaka iyo biyaha ah.

Ugu horeyn kulanka waxaa furay Guddomiyaha Guddiga kheyraadka ,kaabayasha dhaqalaha iyo gaadidka ee Golaha Aqalka Sare Senator Ilyaas Cali Xassan .

Intaa kadib ayaa lasiiyay Xubnaha kas ocday dowlad goboleedyada dalka si ay aragtidoo uga dhiibtaan.

Kulankaan ku saabsan dhageysiga dadweyne ee Hinse-sharciyeedka Kheyraadka biyaha ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo lagu qabto xarunta Golaha Aqalka Sare.

 

 

 guddiga kheeyraadka

Tweets Golaha Aqalka Sare

Kadhiibo fikirkaada Hindise Sharciyeedka Khayraadka Biyaha oo aay Guddiga Khayraadka Golaha Aqalka Sare qaban doon… https://t.co/oRvMJ4l8To
Ribbon cutting ceremony for the world class Communication Room implemented by ICT Sector Support Project of Mptt So… https://t.co/QtD2ppOisq
Golaha Aqalka Sare -BFS kulankiisa 7-aad ayaa la horkeenay Hindise sharciyeedka Dhisida Guddiga ladagaalanka Masuq-… https://t.co/BFBofbMXGs

Tweets Golaha Shacabka

From Google
Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS: https://t.co/oxCER4xmaA via @YouTube
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa Maanta Daahfuray Shirka Dib u-eegista Dastuurka oo Maa… https://t.co/r6j9ezz9ML
https://t.co/sZrEvJGA2d
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya