Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kula kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

 

Muqdisho, May 05, 2018:  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Aqalka Sare wafdi  ka socday Midowga Yurub. 

Wafdiga Midowga Yurub iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay taageerada joogtada  ah ee uu Midowgu Yurub siiyo guud ahaan Soomaaliya.

Xubnaha Midowga Yurub ka socday ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ka dhagaystay baahiyaha gaarka ah ee Aqalka iyo meelaha uu Aqalka doonayo in gacan laga siiyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu Aqalku u baahanyahay in safaro aqoon kororsi loo sameeyo Xubnaha senatorada, loona qaado dalalka uu nidaamka federaalka ka hirgalay ,Sidoo kale in Midowga Yurub uu gacan wayn ka gaysto sare u qaadida xiriirka Aqalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ugu dambayntii, Wafdiga iyo Guddoomiyaha ayaa isku afgartay muhiimadda ay leedahay in si deg deg ah loo dhamaystiro howlaha dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah Qaranka iyo sidii uu EU-du gacan uga gaysan lahaa habsami u socodka howlaha dib u eegista Dastuurka.

 

 

 

 

 

Tweets Golaha Aqalka Sare

#Senator Abdi Hashi, #Somalia’s Upper House #Federal #Parliament #Speaker leads delegation to #Turkey in a bid to a… https://t.co/YQT9agm9g4
Delegation led by #Somalia's Upper House Federal #Parliament Speaker arrives in #Turkey, officials from #Turkish go… https://t.co/YX37ewmX9y
#Senator Abdi Hashi, #Somalia’s Upper House #Federal #Parliament #Speaker leads delegation to #Turkey in a bid to a… https://t.co/UE3xRWZ9zo

Tweets Golaha Shacabka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Ayaa Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Safar Shaqo ah uga Ma… https://t.co/yvfXeC79B6
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta qaabilay madax ka kala socotay UNDP iyo UNSOM,isagoo kala hadlay wadashaqe… https://t.co/9wtl814nVw
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman @AmbMursal Ayaa Maanta Ka Qeybgalay Munaasaba… https://t.co/UhOuZXyYpV
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya