Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta furmaya

Waxaa maanta furmay Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, kaasoo labadii bilood ee la soo dhaafay fasax ku maqnaa.
Munaasabadda furitaanka kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa ka dhici doona Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye.Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa furi doona kalfadhiga Baarlamaanka labada Aqal, waxaana uu ka jeedin doonaa khudbadiisa dastuuriga ee furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka.

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya