Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo wafdi uu Hogaaminayo oo Goor-dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goor dhow  soo gaaray magaaladda Muqdisho, waxaana garoonka kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo Sidoo kale Xubno katirsan wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliay iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wafdigaan uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa isla manta laguu wadaa in ay Gaaraan magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koon-fur Galbeed,

Mudane Maxamed Cali Xumad Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo Furitaanka kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka BJFS oo la qaban doono 9 octobar oo ku began Maalinta Arbacada.

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya