Wafdigii uu Hogaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu wehliyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa Gaaray Magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Iyo Wafdi Xildhibaano Ah Oo Uu Hogaaminayo Oo Maanta Soo Gaaray Magaaladda Muqdisho Ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan Wasiiro Iyo Xildhibaano.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Iyo Sidoo Kale Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Iyo wafdigii Kasocday Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Ayaa Isla Maanta Gaaray Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay,Ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaaladda Baydhabo Kusoo Dhoweeyay Mas’uuliyiinta Kala Duwan Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Uu Ay Ugu Horeeyaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Ee Koonfur Galbeed,Iyo Sidoo Kale Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Magaaladda Baydhabo.

Intaasi Ka Dib Shir Jaraa’id Oo Ay Si Wadajir Ah U Qabteen Labada Guddoomiye Ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan Waxa Uu Ugu Horeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Uu Kusoo Dhoweeyay Magaaladda Baydhabo Isagoo Sheegay In Mudada Ay Joogaan Ay Kulamo La Qaadan Doonaan Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo Kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Ayaa Sheegay Inuu Ku Faraxsanyahay Inuu Yimaado Magaaladda Baydhabo.

Wafdigan Ayaa Mudada Ay Joogaan Magaaladda Baydhabo Waxa Ay Kulamo La Qaadan Doonaan Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sidoo Kale Wafdiga Ka Socda Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Jabuuti Ayaa Imaatinkooda Dalka Waxa Uu Ka Dambeeyay Ka Dib Markii Ay Casuumaad Rasmi Ah Ka Heleen Guddoonka Golaha Shacabka Ee BJFS Si Ay Uga Qeyb Galaan Furitaanka Kalfadhiga Lixaad Ee Golaha Shacabka.

 

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya