Print this page

Magaaladda Ouagadougou (Waakadhugu)ee Caasimadda Dalka Burkina Faso waxaa maanta ka dhacay Shirka Xoghayahaasha guud ee midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka

January 27, 2020 4419

Magaaladda Ouagadougou (Waakadhugu)ee Caasimadda Dalka Burkina Faso waxaa maanta ka dhacay Shirka Xoghayahaasha guud ee midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo horudhac u ah kalfadhiga 15-aad ee guddoomiyaasha Baarlamaanka Ee midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo Soomaaliya shirkan ku matalayay Sidoo kalena qeyb ka ah wafdiga Guddoomiyaha Golaha shacabka ee maalmahan jooga Dalkan Burkina Faso ayaa sheegay in shirkan looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay ama ka hir galay qodobadii shirarkii horey u dhacay kasoo baxay Sidoo kalena laga wada hadlay joogteynta xiriirka xoghayaasha guud iyo sidii tababar aqoontooda kor loogu qaadaayo loo siin lahaa shaqaalaha midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka.

Sidoo kale waxaa isla xarunta uu ka dhici doono shir weynaha midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ka dhacay shir kale oo ajendihiisu uu ahaa wadatashi guud iyo dib u habeyn lagu sameynayay Gudi hoosaadyada Baarlaaanadda dalalkan ay leeyihiin,waxaana Soomaaliya ay xubin kaga noqotay Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Arrimaha Haweenka oo ay ku wada Jiraan Dalalka Baxreyn,Falastiin iyo Libya sida uu Warbaahinta Qaranka uu u sheegay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris “Ganey” oo Soomaaliya shirkan ku matalayay Sidoo kalena qeyb ka ah xubnaha wafdiga uu hogaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn xubnaha ka socda Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ayaa yeeshay shir gaar ah oo looga hadlayay qadiyada Falastiin oo dhamaan ka qeyb galayaasha ay aad uga hadleen sida ay uga go’antahay difaaca qadiyada Falastiin.