Print this page

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

February 03, 2020 4770

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Burkina Faso ayaa intuu halkaasi joogay waxa uu kaga qeyb galay Kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelisay Dowladda Burkina Faso.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaaamka ee shirka ka qeyb galayay Oo uu ka mid yahay gudddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo dar dar gelinta xiriirka labada wadan iyo sidoo kale iskaashiga labada Baarlamaanka.

Shalay oo ay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka kasoo ambabaxeen Garoonka Diyaaraadaha Aougadougou ee Dalka Burkina Faso waxaa garoonka halkaasi kasoo sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Burkina Faso Alassane Baka Sakandé,waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo Guddoomiyaha Baarlamaaanka walaalaha Jabuuti oo si wadajir shir ugu qabtay Gudaha Garoonka Aougadougou ay ugu mahad celiyeen Shacabka iyo dowladda Burkina Faso marti gelinta shirka iyo soo dhoweynta wafuuda ka qeyb galeysay.

Maanta ayay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka dib ugu soo laabteen Magaaladda Muqdisho.