GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN OO KULAN LA QAATAY MADAXA HAY’ADDA SOCDAALKA ADUUNKA IOM EE SOOMAALIYA.

Muqdisho September 08,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay madaxa Bariga Afrika ee Hay’adda Socdaalka Aduunka ee (IOM) Mudane Mohammed Abdiker oo uu weheliyo madaxa howlgalka Soomaaliya ee hay’adda Mudane Franz Celestin.

Marka hore Madaxada Hay’adda Socdaalka Aduunka ee Bariga Afrika Mudane Mohammed Abdiker ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan warbixin ka siiyey waxyaabihii ay dalka ka qabatey isagoo soo hadal qaaday sida Golaha Shacabka ee BJFS ay u wada shaqeyn karaan, islamarkaana ka taageeri doonaan sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka, Dhanka kale Mudane Franz Celestin, ayaa isna dhankiisa sheegay in ay hada Hay’adda Socdaalka ay gacanta ku heeyso kumanaan barakacayaal Soomaali ah.

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyey shaqooyinka ay Hay’adda ka wado dalka iyo dedaalada Hay’adda ay wax ugu qabaneeyso barakacayaasha dalka ku nool.

Dhammaad

 

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya