Print this page

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN OO KULAN MUHIIM AH LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA

January 11, 2023 459
Baydhabo, Janaayo 11,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS. Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ku guda jira kulamadii kala duwanaa uu la yeelanaayay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adaha amniga ayaa maanta la kulmay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo uu kala hadlay arrimaha dib u heshiisiinta KGS.
 
Golaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyeen sida uu wakhtiga badan ugu bixinayo in bulshada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadan ay heshiis nabadeed u wada qaadan lahaayeen, iyagoo adkeeyay in ay hormuud ka noqon doonaan Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo duubabka dhaqanka uga mahadnaqay sida ay u soo ajiibeen markale inay kulan looga hadlaayo gogol nabadeed oo dan u ah dadka reer Koonfur Galbeed, muhiim na tahay in laga wada heshiiyo madmadowga ka dhex taagan siyaasiyiinta iyo bulshada.
 
DHAMMAAD