Comments Box SVG iconsUsed for the like, share, comment, and reaction icons

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA AYAA KULAN LA QAATAY MADAXDA WARBAAHINTA GAARKA LOO LEEYAHAY.

Muqdisho, Soomaaliya – 27 Oktoobar 2026:Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo mudnaanta siinaya xoojinta wada shaqeynta ku dhisan isfaham, daahfurnaan iyo dhowrista Xorriyadda saxaafadda ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay madaxda warbaahinta gaarka loo leeyahay, maadaamaa Warbaahintu ay tahay tiir muhiim u ah isku xirka Golaha Shacabka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey xoojinta xiriirka Golaha Shacabka iyo warbaahinta, ilaalinta madaxbannaanida saxaafadda, u adeegidda danaha qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed, gudbinta xogta sugan, ka hortagga wararka been-abuurka ah iyo kor u qaadista wacyiga bulshada.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in warbaahinta xorta ah ee samaysa dabagal iyo dhaliil wax dhisaysa ay door weyn ka qaadato horumarka dalka, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ku booriyey Madaxda warbaahinta inay kaalintooda ka qaataan ka hortagga faafinta wararka been-abuurka ah iyo dacaayadaha u adeegaya Khawaarijta, cadowga iyo cid kasta oo wadda qorshayaal ka dhan ah dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
media@parliament.gov.so
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: www.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.
...

Image attachment
Image attachment
Image attachment
Image attachment
Image attachment

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulan la qaatay xubno ka socday Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha, abuurista fursadaha shaqo, dhiirrigelinta maalgashiga iyo sidoo kale horumarinta dalka. ...

XOGHAYAHA GUUD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR-GUDDOOMIYEY KULANKA GOLAHA XOGHAYEYAASHA GUUD EE BAARLAMAANADA BULSHADA BARIGA AFRIKA.

Nairobi, Kenya – 27 Oktoobar 2026: Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ku shir-guddoomiyey kulanka Golaha Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay, laguna falanqeeyey Warbixinta Xoghaynta guud, iyadoo laga yeeshay dood furan oo wax-ku-ool ah, doodaha ayaana si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqaynta Golayaasha Sharci-dejinta, adkaynta isla-xisaabtanka, iyo kor u qaadista hufnaanta iyo waxtarka shaqo ee Xoghaynnada Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Intaas kaddib, Xoghayeyaasha Guud ayaa xoogga saaray diyaarinta talooyin iyo soo-jeedinno loo gudbinayo Golaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, si ay uga baaraan-degaan, una tixgeliyaan.

Doodihii ay yeesheen xubnihii ka qaybgalay kulanka ayaa mar kale muujiyey muhiimadda wada-hadalka, isfahamka iyo isku-duwidda hawlaha baarlamaannada, si loo xoojiyo iskaashiga dhexdooda ah, loona horumariyo himilooyinka iyo danaha wadajirka ah ee Bulshada Bariga Afrika.

DHAMMAAD.
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
media@parliament.gov.so
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: www.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.
...

Image attachment
Image attachment
Image attachment
Image attachment
Image attachment

Empowering Communities Through Social Services

Our Mission and Vision

The Social Services Development Committee is dedicated to enhancing the well-being of communities across Somalia. Our mission is to provide comprehensive support and resources to empower individuals and families, fostering a society where everyone has the opportunity to thrive. We aim to address social challenges through innovative solutions and collaborative efforts, ensuring sustainable development and improved quality of life for all citizens.

Our Key Services

Community Health Initiatives

We offer health programs designed to improve access to medical care and promote wellness in underserved areas.

Educational Support Programs

Our educational initiatives focus on providing resources and opportunities for lifelong learning and skill development.

Economic Empowerment Projects

We implement projects aimed at boosting economic growth and providing financial support to small businesses and entrepreneurs.

Social Services Development Committee

Image Name Designation Short Bio Social profiles
Xil. Nadra Saleh Abdi Liibaan

Hon. Nadra Saleh Abdi Liibaan

Xildhibaan Golaha Shacabka BJFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Hormarinta Adeega Bulshada

Current Member of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia, Chairperson on Commu...

Hon. Said Ali Muse

Hon. Said Ali Muse

Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Current Member of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia

Xil. Muqtar Ahmed Hassan Saajid

Hon. Muqtar Ahmed Hassan Saajid

Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Current Member of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia

Xil. Mohamed Elmi Ibrahim Wacays

Hon. Mohamed Elmi Ibrahim Wacays

Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Current Member of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia

Xil. Mohamed Abdurahman Nadif Mohamed

Hon. Mohamed Abdurahman Nadif Mohamed

Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Current Member of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia

Xil. Marian Moalim Isak

Hon. Marian Moalim Isak

Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Current Member of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia

Xil. Khadra Ahmed Mohamed Eid

Hon. Khadra Ahmed Mohamed Eid

Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Current Member of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia

Xil. Jawaahir Mohamed Ahmed Roble

Hon. Jawaahir Mohamed Ahmed Roble

Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Current Member of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia

12

Phone

+252 61

Email

socialaffairs.committee@parliament.gov.so

Address

Villa Hargiesa Building, Mogadishu, Somalia