KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO KULAN LA QAATAY DANJIRAHA SUCUUDIGA EE DALKEENNA.

Muqdisho September 28,2022, Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Sacuudi Arabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad.
 
Danjiraha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka kala hadlay dhismaha Machadka Tababarada Baarlamaanka, horumarinta Baarlamaanka JFS, iyo sidii howl-wadeennadda Golaha Shacabka u heli lahayeen aqoon kororsi, isagoona Guddoomiyaha uga mahadceliyey shaqada dardarka leh ee uu hoggaanka u haayo Golaha Shacabka.
 
Guddoomiyaha ayaa dhankiisa danjiraha ku bogaadiyay garab-istaaga dowladda aan walaalaha nahay ee Sucuudiga la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinaayo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya